Mareykanka oo gebi ahaanba ciidamadiisa kala baxaya somalia

32

Donald trump ayaa amar ku bixiyay  in dhamaan ciidamadiisa laga soo saaro gudaha somalia sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan aqalka Pentagon ee gaashaandhiga mareykanka

Madaxweymaha uu waqtigiisa sii dhamaanaya ayaa xusay in dhamaan ciidamada ka jooga somalia oo tiro ahaan gaaraya 700 askar la saari doono 15 bisha January ee soo socota ka hor inta uusan xafiiska baneyn

Mr trump ayaa sheegay in qorshan uu qayb ka yahay balan qaaduu uu hore u sameeyay oo ciidamada mareykanka looga saarayo wadamada colaadaha ay ka jiraan

Ciidamada mareykanka oo qayb ka ah howl galka africom ee qaarada afrika ayaa ciidamada soomaaliya ka caawinayey dhinaca tababarada oo howl galo dhan ah xarakada al shabaab

Waaxda gaashaandhiga ee mareykanka ayaa sgeegtay in qaar ka mid ah ciidamada la geyn doono kenya halkaasoo ay kala socon doonaan dhaqdhaqaaqyadda al shabaab

Lama sheegin in sidii kala laga saarayo safaarada mareykanka iyo diblomaasiyiin ka tirsan sirdoonka wada kaasi oi degan garoo ka diyaaradaha ee magaalada muqdisho .

Ciidamada Ameerikaanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa 13 kii sano ee la soo dhaafay dagaal kula jiray Al-Shabaab iyo Daacish.

Quburo dhinaca ammaanka ayaa hore u sheegay in haddii mareykanka uu la baxo ciidamadiisa ku sugan somalia ay fursad weyn u noqon doonto alshabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia.