Mareykanka oo Malaayin dollar ugu deeqaya wax ka qabashada Macluusha Somalia.

51

Wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka ayaa sheegtay ku dhawaad saddax boqol malyuun oo doolar ay ku bixiyeen sanadkan u gargaaridda shacabka dhibaateysan ee Soomaaliyeed.

Deeqdan ayaa Soomaaliya waxaa loo soo Martin doonaa hay’adda USAID ee Mareykanku leeyahay waxaa ay gaareysay 275 malyuun, taas oo lagu iibiyay raashiin iyo agabka wax lagu cuno.

Warka ka soo baxay dowlada mareykanka ayaa lagu sheegay in deeqdaan loogu tala galay in wax looga qabto Fatahaadaha, Ayaxa iyo COVID -19.

Balse xanuunka Covid 19 ayaa markii uu ka dilaacay Soomaaliya ayaa sii murjiyay xaalada dadka tabaaleysan ee gargaarka u bahan.sida lagu sheegay warka ka soo baxay mareykanka .