Mareykanka oo Shaaciyay in uu la dagaalami doonan dhaqaalaha Al-shabab.

27

Mareykanka ayaa sheegay inuu wado qorshe xoogan oo uu kala dagaalamaya dhaqaalaha ururka Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Somaliya

Warbixin ka soo baxday qaramada midoobay ayaa lagu sheegay ay korortay lacagaha ay u adeegsadaan dagaalada iyadoo sannadkii ka hore ay ku bixiyeen in badan  21 milyan oo dollar taasoo Al-shabaab ay u adeegsadeen sirdoonka iyo dagaalada

Safiirka mareykanka u fadhiya qaramada midoobay ayaa golaha ammaanka u sheegay in talaabo laga qaadi doono wadamo la sheegay in alshabaab ay maaliyadda u soo marto

Mareykanka ayaa waxaa ay isku dayayaan in ay wiiqaan awooda Al-shabaab si ay u yaraato waxyeelada gaarta shacabka,iyadoo sidoo kale culeyska uu ka yaraanayo wadanka Kenya oo alshabaab ay ka gaystaan weeraro hubeysan

Warbixinta ka soo baxday qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in Al-shabaab oo xiriir la leh ururka al qaacida ay yihiin kuwa ugu halista badan ee ka dagaalama qaarada afrika

Waxaana ay koontaroolaan ama gacanta ku hayaan deegaano balaaran oo ku yaala koofurta iyo bartamaha somaliya,iyagoo xilliyada qaar weeraro loo adeegsado hoobiyayaal ku qaada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo ah halka ay ku taala safaarada Mareykanka

Mareykanka ayaa xusay in haddii Al-shabaab laga dagaalamo dhinaca dhaqaalaha ay yaraando doonto weerarada loo adeegsado qaraxyadda ee ay ka fuliyaan gudaha somaliya