Mareykanka oo shaaciyey inuu kordhinayo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab

44

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay sii kordhinayso duqeymaha lala beegsado Al-shaabab iyo Taageeridda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliska millatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa ku baaqay in la kordhiyo cadaadiska la saaro ururka Al-Shabaab oo ay ku tilmaameen kan ugu halista badan xilligan qaaradda Afrika.

Sidoo kale Africom ayaa ku baaqday in la xoojiyo dagaalka iyo duqeymaha lala beegsanayo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish

AFRICOM ayaa waxaa ay sheegeen in in Al-Shabaab ay halis ku yihiin ciidamada Soomaalida, kuwa AMISOM iyo danaha Maraykanka intaba.

Al-shabaab ayaa lagala wareegay deegaano ka Tirsan Koofurta dalka Soomaaliya,waxayna khasaare kala kulmeen duqeymaha Mareykanka.