Waa immisa tirada duqeymaha uu sanadkan Mareykanka ka fuliyey Soomaaliya?

24

War ka soo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in gudaha Soomaaliya 8-dii bilood ee la soo dhaafay ka fuliyeen 46 duqeyn, kuwaasi oo ka dhacay deegaanada Gobolada dalka ay ka sugan yihiin Al-shabaab.

SAFRICOM ayaa tilmaamtay in duqeymaha qaarkood lala eegtay fariismo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro kala duwan, balse aysan soo bandhigin dhammaan Khasaaraha ka dhashay duqeymaha.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in saddex weerar oo dhinaca Cirka ay Al-shabaab la beegsadeen inta u dhexeeysay bilowga bishaan Agoosto iyo 20-keedii, waa sida hadalka loo dhigay.

Ugu dambeyn AFRICOM Qoraalka ay soo saareen kuwa aysan shaacin Khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaray duqeymaha ay sanadkaan ka geysteen Soomaaliya, in kastoo ay jiraan Khasaaro dadka shacab ah kasoo gaaray duqeymahaas.