Mareykanka oo soo musaafuriyay Muwaadin Soomaali ah

34

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in dalkeeda ay ka soo masaafurisay nin ka soo jeeda Soomaaliya oo la sheegay inuu taageero siin jiray kooxda Al-Shabaab

Qoraal ka soo baxay waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in ninkaasi uu gacan saar la lahaa Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Waaxda socdaalka ee dalka mareykanka ayaa xustay in sharciga dalkooda ay ka qaadeen shaqsigaasi oo sanadkii 2016-kii ay maxkamad ku taala dalkaasi ku eedeeysay inuu si weyn u caawin jiray Al-Shabaab.

Mahdi Maxamed Xaashi oo 31 ayey hay,adda socdaalka markii ugu horeysay ku qabatay magaalada Chicago ee dalkaasi, kadibna dacwad lagu soo oogay.

Intii u dhexeysay sanadihii 2008 iyo 2012 ayaa xaashi lagu eedeeyay in uu ahaa xubin ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo markii dambe loo gacan geliyey dowladda Mareykanka oo geysay maxkamad heer degmo ah oo ku taala magaalada New York.

Ninkaasi ayaa waxaa markii dambe uu qirtay in Al-Shabaab uu siin jiray taageero agab iyadoo sanadkii 2016 maxkamad ku taala dalkaasi ay ku riday xakun xabsi oo gaaraya 9 sano.

Booliiska dalka Mareykanka ayaa marar badan gacanta ugu dhigay dhalinyaro ka soo jeeda SoomAaliya oo lagu eedeeyay in ay la shaqeynayeen Daacish iyo Al-Shabaab.