Mareykanka oo xayiraad cusub saaray saraakiil ka tirsan alshabaab

27

Maamulka Donald trump ayaa cuna qabateyn hor leh ku soo rogay hogaamiyayaal ka tirsan xarakada alshabaab oo weeraro ka fuliyey bariga afrika

Waaxda arimaha dibadd ee mareykanka ayaa sheegtay in ay xayiraad saartay  cabdulahi cismaan maxamed iyo maalin ayman oo ah labo sarkaal oo sare

Waxaana ay sheegtay in labadaasi shaqsi gebi ahaanba laga mamnuucay howlihii ganacsi ee ay ku lahaayeen dalka mareykanka

Warka ka soo baxay dowladda mareykanka ayaa lagu sheegay in maxamed oo khabiir ku ah sameynta walxaha qarxa uu la taliye gaar ah u yahay hogaamiyaha ugu sareeya alshabaab isla markaana uu yahay madaxa warbaahinta ee garabka al kataa,ib

Sidoo kale ayaa waxaa ayman ay ku sheegtay inuuu yahay hogaamiyaha garabka jaysh ayman ee alshabaab oo inta badan fuliya weerarada ka dhaca Kenya iyo somaliya

Iyadoo weerarkii ugu dambeeyay ee bishii January ee sannadkan ay ku qaadeen saldhig ciidan oo mareykanka ay ku leeyihiin Kenya halkaasoo ay ku dilee askari mareykanka ahaa iyo labo qandaraas qaate

Alshabaab ayaa weeraro qasaarooyin badan  gaystay ka fuliyey gudaha wadanka Kenya oo uu ka mid ahaa kii sannadkii 2013 lagu qaaday suuqa west gate mall ee magaalada Nairobi oo lagu dilay 67 ruux