Marko waa Magaalo Magaceeda iyo Muuqeeda dib u soo Ceshaneyso

73

HORDHAC

WAA WARBIXIN AAN KU EGEEYNO TAARIIKHDA XADAARADDA HORUMARKA IYO NABAD GELYADA AY GAARTAY MAGAALADA MARKO TAN IYO INTII UU GUDOOMIYAHA GOBOLKA SHABEELADDA HOOSE MUDANE IBRAHIM ADAN ALI NAJAH UU GOBOLKA KU HOGAAMINAYAY HOGAAN DAACAD CADAALAD IYO MAAMUL WANAAG AH

MARKO Waa Magaalo ku taala gabaldhaca magaalada Muqdisho una jirto 90 km Marka waa caasimadda gobolka Shabeellaha Hoose waxaana lagu yaqaan quruxdeeda iyo dhaqanka eey dadka degan haaystaan kaasoo aad uga duwan kuwa kale. Waxaa Dhinaca  bariga ka jirta Badweynta Hindiya

 Magaaladan  waxa ay caan ku tahay soo saarida Dharka Aliindiga kalluunka iyo wax soosaarka Beeraha Marka waxaa dagao qabiilo badan oo somali ah iyo inyaroo carab ah qabilada somaalida.

Marka sannadihii ugu dambeyey waxa Gacanta ku hayay amaankeeda iyo Maamulka degmada  dowlada federalka Soomaaliay kadib markii Ciidmada Xooga dalka ay ka xureyeen nabad diidka Al-shabab oo beri deeganadaasi Maamulayay balse  howl galo ay ciidamada maamulka Gobolka shabeeladda Hoose ay ka fuliyeen Marka ayaa waxa ay dib Gacanta ugu soo noqotay  Maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya .

Magaalaga marko waxey ka kooban tahay sadex xaafadood oo kala ah Horseed, Wadajir iyo Howlwadaag waxaana waxaa hoos taga xaafado yar 1- Horseed waxaa hoostaga — Bulajaan Buufow iyo Lumabardi 2- Wadajira waxaa hoostaga —- Saraha Beyturaas iyo Awbaale 3- Hoolwadag waxaa hoostaga —- Xaafa Ruushiya, Sheekh Abroone

CAASIMADA GOBOLKA SHABEELADDA HOOSE EE MARKA CADEEY

Maxaad Ka Taqaanaa Magaalada Marka iyo Dadka Deggan?

Magaalada Marka waxay ka mid tahay magaalooyinka maamuuska weyn ku leh Somalia marka laga hadlaayo taariikhda degmooyinka Somalia, gaar ahaan dhaqdhaqaaqii looga hortagayey gumeystihii cadaa ee Soomaaliya ku soo duulay.

Buug 1935-kii uu Somalia ka qoray Pietro Barile oo uu ugu magac daray “Gumeystihii Faashiga Talyaaniga Ee Koonfurta Soomaaliya” ayaa waxaa uu qaybo muhiim ah uu kaga hadlay magaalada Marka iyo beelaha degan. Buuggani wuxuu u kala qaybinayaa magaalada Marka labo qaybood oo kala ah: (1) Deex – oo ah dhulka bacaadka ah ee badda dhaco (2) Dhoobey – oo ah deegaanada hoosyimaado magaalada Marka ee dhaca dhulka dhoobeyda ama wabiga u dhow.

Markaad akhriso hordhaca iyo afeefada buugga (Abstract-ga) ee uu qaray Pietro Barile, wuxuu sheegayaa in mar walbo oo uu wareysto qof reer Marka ah iyo qabiilkiisa, wuxuu sameynayey qoraaga inuu safar u galo tuulooyinka ku hareereysan magaalada Marka si uu halkaas uga soo ogaado in beesha ninkaasi sheegtay inay joogto tuulooyinka magaalada Marka ay maamuleysay xiligaasi, qaabkaasa ayaana lagu saleeyaa maamulada qowmiyadaha deggan degmooyinka aduunka.

SAWIRKAN WAA XILIGII GUMEYSTAHA WAXA UU KA HADLAYAA TAARIKHDA FOG OO AY LEEDAHAY DEGMADA

Tacliinta

Dadka Marka jooga badanaa weey tacliin badanyahiin waxeeyna ka shaqeeystaan badda una dhoofaan wadamada Carabta sida Yemen si eey usoo iibiyaan badeecaadkooda kana soo iibsadaan kuwa kale. Badanaa waxeey yihiin Injineeryo iyo Macalimiin. Sidoo kale waxaa dadka Marka badanaa ka yimaado lagu yaqaan Qaalli iyo Ganacsada yaal.

Magaalada Marka waxa ay leedahay Dugsi tacliin iyo Quraan lagu barto,weey ku badanyihiin magaalada Marka waxaana caruurta lagu dheerri geliyaa inay tacliin tooda ka fikiraan si eey u caawiso mustaqbalkooda inkastoo uu hadda dowlad la’aanta eey ka tanbadisay waalidiinta meesha dagan ku waasoo dhib eey ku tahay in eey bixiyaan lacagta dugsiga ama jaamacadda.

Cuntada

Sidoo kale magaalada Marka waxey leedahay hoteelo caan ah dalxiisna loogu imaado sida , Hotel Madiina iyo kuwo kaloo la mid ah. Waxaa kaloo laga heli karaa magaalada Marka maqaayado la fadhiisan la cunaayo sida sambuuska, bajiyaha, kabaabka . Suuqyaasha ku yaalo magaalada waa labo suuq po kala ah kaas oo ku yaalo horseed midna wa Suuqa Weyn ee magaalada Marka. Dadka magaalada Marka joogo badanaa ma cunaan hilibka sida loogu cuno qeybaha kale ee dalka. Dadka badanaa waxeey cunaan malaayga ama kaluunka iyo doorada . Waxaa galabyadii lagu yaqaan in aay cunaan macmacaan yada caanka ka ah Koonfur Soomaaliya ku waasoo lagu cabo qaxwo kharaar. Marmarka qaarne waxeey cunaan bajiye iyo sambuus iyo bisbaas.

CUNTADA AY CAANKA KU TAHAY MARKO WAXA KA MID AH KALLUNKA CANJEERO IYO QAXWAHA

Luqada

Dadka Marka degan waxeey leeyahiin lahjo af somali ah iyo kuwa u  gaar ah taasoo u dhaw mida loogu hadlo Xamar. Lahjadaan waxaa loo yaqaan Af Marka ama Af Asharaaf waxaana badana ku hadlo dadka gibilcadka iyo lahjad arow la dhaho oo ay ku hadlaan Biyomaalka ee degan koonfurta wadanka. Dadka Reer Marka waxey dhahaan;

” Marka Cadeey, Minin Ow Osman, Muufo kuus kuus iyo macmacaan, Martidii moodo munaafaq waaye.”

Taasoo aay ka wadaan qof walbo waa inuu magaalada soo booqdaa oo uu nan dhaafin haddii uu imaado kuunfor Soomaaliya. Waxeey ka wadaan Marka waa gurigii Ow Osman kaas oo ahaa nin caan eh waano magaalo lagu yaqaano cuntaba tii uugu macaanayd ee wadanka taalo. Marti walbana waa inay soo booqataa mar intey nooshahay.

WAA QARIIRADA DHULKA AY KU FADHIDO MAGAALADA MARKO WAXA QORAY GUMEYSTIHII TALYANAIGA

Waxqabadka  Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda Hoose ee Marka

Gudoomiyaha Gobolka shabeeladda Hoose Hon Ibrahin Adan Ali Najah ayaa booqday Marka

Gudoomiye Madaale  Najah ayaa waxa uu ka hirgeliyay Xaruumo dan guud sida Dhsimaha  xarunta maamulka Gobolka Shabellaha hoose ka dhisey  magaala madaxda Marka, dhawaan ayaa si rasmi ah ayuu maamulka sarre ee gobolka ugu shaqeyn doonnaa xaruntan.

sidoo kale  Madaale Ibrahim Adan Ali Najah  ayaa waxa uu  indha-indheyn ku sameyay dhismaha garoonka kubbadda cagta ee Ayuub oo dhawaan si rasmi ah loo furi doonno.

WAA GUDOOMIYAHA GOBOLKA SHABEELLADDA HOOSE HON IBRAHIM ADAN ALI NAJAH

Dhinaca  waxbarashadda iyo sarre u qaadiida garaadka Bulshadda  

Waxaa laga fuliyay magaaladda Marka Tababar lagu tayeeyno dhalinyarrada magaalada Marka iyo xoojinta sidii ay ula shaqeyn lahaayeen Maamulka Degmada iyo Ciidamada Amaanka.

Tababaradaan ayaa waxaa sare loogu qaadayaa aqoonta bulshadda iyo taclinta jiilka cusub ee soo koraya

WAA MACALIN MAXAMED OO CASHAR U SHARXAAYO ARDAY DEGMADA MARKO
WAA MACALIN MAXAMED OO AH MACALIN DHIGA CILMIGA NOLOSHA
USTAAD MAXAMED OO CASHARO BIXINAAYO WAA AQOON KORORSI LAGU QABTAY MARKO

Amaanka Marka

Magaalada Marka ayaa waxa  soo hagaageyso nabadgalyadeeda iyo xalaalada Guud ee  Magalada waxa ka jira awood Ciidaan oo Maamulka Gobolka shabeelada Hoose Ka amar qaato Ciidamada Dowlada  qeybta 14 October  iyo ciidamo Boolis ah kuwaasi oo ka shaqeeyo amaanka Guud ee Magalada

Sidoo kale  waxa Jooga ciidamada Nabad Ilaalinta Amisom kuwaasi oo Gacan siiya kuwa Xooga dalka Soomalaiyed  sida dhinaca tababarada iyo sanaada Mlitariga

CIIDAMADA XOOGA DALKA SOOMAALIYED IYO KUWA MAAMULKA SHABEELADDA HOOSE OO HOWLGALO WADDA
WAA WAR MURTIYEED KA SOO BAXAY AMISOM XILIGII AY GACANTA DOWALADA DIB U SOO GASHAY MARKO

Ugu dambeyntii Marka waa magaalo xadaari ah waxana ay ka mid tahay magaalooyinka soomaaliya ugu caansan

Hal maqaal ama warbixin lagu ma soo koobi karo tariikhda iyo waxbadka maamulka Gobolka shabeelada Hoose  ka sameeyay magalada Marka.

WAXAA INOO BALAN AH

Daryeel iyo Dowladnimo.

Nabad iyo Najah.