Masar oo aqbashay Safiirka ay dowladda Soomaaliya u magacaawday dalkaas

33

Dowladda Masar ayaa aqbashay Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday dalkaas ahna Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, kaas oo dhawaan ay dowladda Soomaaliya Magacaawday.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Shaqadiisa safiirnimo ka bilaabi doono dalka Masar, kaidb markii uu hagaagay xiriirkii Soomaliya & Masar oo tan iyo sanadkii la soo dhaafay mugdi ku jiray

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa noqday Safiirka kaliya ee Dowladda Soomaaliya magacawday 12 Safiir ee dhowaan Xukuumadda la horgeeyay balse dib loo soo celiyay, waxaana ujeedka Magacaabista uu ahaa in xal lo helo xiriirka mugdiga ku jiray ee ka dhaxeeyay Masar & Soomaaliya maadaama la sheego inuu xiriir dhow la leeyahay Masaarida.

Arrintan ayaa waxaa ay sidoo kale kusoo aadeeysaa xilli 3-dii Bishaan dowladda Masar ay markale dib u bilaawday inay Maamulka Gobolka Banaadir ka caawiso dib u furitaanka School-ka 15 MAY oo muddo Sannad ah ay hakad gashay waxbarashii Ardayda arrimo ku saabsanaa xiriirka labada dowladood.