Masar oo shuruud ku xirtay in ay wadahadal la gasho Turkiga.

42

Warbaahinta Masar ayaa ka soo xigtay wasiirka in dowladda Turkiga laga doonayo in ay beddesho siyaasadeeda ku wajahan Arrimaha Masar ka hor inta aan la soo celin xiriirka labada dal.

Wasiirku wuxu sheegay in hadalka ka soo yeeray Turkiga ee ku aaddan hagaajinta xiriirka labada dhinac ay ka horrayso in Turkigu wax ka beddelo hab-dhaqankiisa dhanka siyaasadda.

Hadalka Wasiir Saamix Shukri ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii Turkigu sheegay in la soo celinayo xiriirka iyaga iyo Masar oo go’naa tan iyo sannadkii 2013.