Masar oo xoojinaysa xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya si loo go,doomiyo Itoobiya

16

Xiriirka siyaasadeed si xawli ah ayuu isku badalayaa Bariga Dhexe iyo Afrika – oo ay kujiraan xiriirkii Masar iyo Soomaaliya, oo umuuqda inuu qaboojiyay mowqifka dhexdhexaadka ah ee Soomaalida ee ku aadan dhibaatada biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).

8-dii Maarso, Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa qaabilay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Masar, Ilyaas Sheekh Cumar. Isla maalintaas, Cumar wuxuu soo saaray bayaan uu ku muujinayo sida ay Soomaaliya u dooneyso inay bilowdo isu soo dhawaanshaha Masar.