Mas’uuliyiin Ka Socday DFS Oo Gaaray Baydhabo & shir Muhim ah oo Ka Furmayo Halkaasi

37

Mas’uuliyiin  heer sare ah oo ka socday Wasaaraddaha Qorsheynta Maaliyadda dowlada federalka Soomaliya ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay Agaasimaha qorsheynta Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dowlad goboledka KGS.

Ujeedada wafdigan ay u tageen Baydhabo ayaa ah ka qeyb-galka shir muddo afar cesho ah ka soconaya oo ay soo qaaban qaabisay Wasaradda qorsheynta maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Koonfur Galbeed oo kashaneysa wasaaradda Qorsheynta dowlada Fderealka Soomaaliya.

Shirkaasi ayaa looga hadlayaa mashruuca soo kabashada xasaradaha Soomaaliya sida  abaaraha, fatahaaddaha soo laa laabtay, anyaxa iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah.

Agaasimaha Wasaradda qorsheynta Koonfur Galbeed Isaaq Maxamuud Mursal oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in wafdiga ka socda dowladda Federaalka ay ka qeyb gelin doonaan shirka wadatashiga mudnaansiinta Baahiyaha u adkeysiga iyo kasoo kabashada ee KGS.

Shirkaan ayaa waxa uu socon doonaa muddo afar cesho ah waxana ka diiradda lagu saari doonaa arrimaha horumarinta  deegaanada Maamulka Koonfur Galbed Sooomaaliya