Masuulyiin Gaaray Degmada Wanlaweeyn

164


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dib u heshiisinta dowlad gobeleedka Koonfur Galbeed Mudane Mohamed Abukar Cabdi wasiirka Maaliyadda wasiirka,Amniga’xildhibaano, taliyaha ciidamada qeybta 60-aad ee xogga dalka ayaa kulan kula qaatay Degmada Walaweyn odayaasha dhaqanka,waxgaradka kaasi oo kubsaabsanaa dardar gelinta howlaha guud ee degmadaasi,


Kulankaan ayaa ahaa mid mira dhal ah oo looga hadlayey amniga, is dhexgalka bulshada iyo dar dar galinta howlaha guud ee Degmada wanlaweyn ee gobolka shabeelada hoose ayadoo masuuliyiinta iyo waxgaradka Degmada ay soo wada qaadeen sidii looga fogaan lahaa dagaal sokeeye oo mar kale ku soo laabta Degmada oo bilihii la soo dhaafay ay kuwada dagaalameen laba belood oo walaalo ah oo halkaasi wada daga,

Masuulyiinta ayaa balan qaaday in ay maamulka degmada kala shaqeeyn doonaan wax walbo oo hormar u ah degmada waxayna si doo kale shegeen in ay diiirada saararayaan adeegyada aas aasiga u ah bulshada Degmada

Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa mudooyinkii dambe daganeed kadib markii ay ka dheceen dagaalo khasaaro dhaliyey ayadoo mamuulka Gobolka Shabeelada Hoose uu ku guuleystay nadadeeynta laba beelood si doo kale amar ku bixiyey cidii khalalaaso bilowdo in ay tilaabo shacri ah ka qaaadi doonaan,