Maxa ay ka wada hadleyn Madaxweyne Farmaajo iyo safiirak Itoobiya ?

44

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Itoobiya, kaas oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay la-taliyaha amniga ee dalka Itoobiya Gedu Andargacho, iyada oo ay labada dhinac ka wada-shireyn  arrimo dhowr ah, sida dagaalka Itoobiya ka socda

Safiirka xukuumadda Itoobiya  u fadhiyo Magaalada Muqdisho, Amb. Jamaludiin ayaa sheegay in Shirka  lagu soo qaaday taageerada dowladda federaalka ee midnimada Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada dhinac ay is-weydaarsadeen waxyaabo kala duwan, sida howl-galka sharci fulinta ee ka socda gobolka Tigreega.

Jamaludiin ayaa sidoo kale intaasi ku daray in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu muujiyey midnimo & taageero ku aadan howl-galka ka socda dalkaasi.