Maxa hortaan Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ?

31

Waxaa heer gabogabo ah maraya  tashigii ugu dambeeyey ee magacaabista golaha wasiirada Soomaaliya waxana kulan wadatashi ah Villa Somalia ku yeeshay Madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul-wasaaraha xukumada Maxamed Xuseen Rooble.

saacadaha soo socda ayaa  la filayaa in lagu dhawaaqo liiska golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale warar hoose oo aan helnay ayaa tilmaamay in  liiska golaha wasiiradu ay ka soo dhex  muuqan doonaan qaar ka mid ah wasiiradii hore ee xukuumaddii Xasan Khayre ee codka kalsoonida kala noqdeen Golaha Shacabka Barlamanka

Madaxweynaha,  Ra’iisul-wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka,ayaa maalmihii ugu dambeyey waxa ay yeesheyn kulamo wadatashi siyaasadeed ah  iyadoo la isla meel dhigay tashi ahaan iyo magacaabista xukuumada Cusub oo ka kooban wasiiro si dhow ugu dhaw seddexdaan Ma’suul.

Ra’iisul-wasaare Rooble ayaa xilka haya 29-cisho, waxaana 30-ka berri ee loogu talagalay magacaabista golaha wasiirada haatan ugu harsan hal maalin.

Saacadaha oo socda ayaa la filayaa in Ra;iisul wasaaare Rooble uu soo dhiso Golo Wasiiro Cusub.