Maxa Ka jira in Deegaano uu Mamnuuc ka yahay Calanka Soomaaliya?

32

12 October  waxa dhulka Soomaalida degto laga Xusaa Maalinta Calanka oo ah markii ugu horeysay oo Soomaaliya calan yeelato.

Maanta oo Kale waxa dalka gudahiisa Iyo dibaddiisa laga qabtaa Xafladao Iyo Musansabado Lagu weyneynayo Maalintaasi Ku weynn Ummadda soomaliyeed oo ah Maalin Qaran .

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ummadda  Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 66 sano guuradii ka soo wareegatay markii ugu horreysay ee Soomaaliya calan yeelato.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay  in calanka Soomaaliya mamnuuc ka ahaa in ka badan 85% dhulka Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya markii loo doortay madaxweynenimada Soomaaliya bishii September  Sanadkii 2012, iyada oo calanka Al-Shabaab oo kaliya uu ka taagnaa deegaandaasi

“Ilaaheey fadligiis, dadaalka halyeeyadeena iyo haggaaminteena darteed, waxaan ku guuleysannay in calankeena cirka u eg dib looga taago gobolla badan oo uu ka dul babado,” ayuu ku yiri hadal uu si gaar ah ugu jeediyay Shacabka Soomaaliyed  munaasabadda maalinta calanka.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud  uu Yiri: “In ka yar 10% ayaa lagu soo koobay dhulka ay Al-shabaab ka talinayeen markii uu xilka wareejiyay Xasan Sheekh. Waxaa la xoreeyay in ka badan 25 degmo oo ka tirsan dalka”

Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-Shabaab ayaa deegaannada ay ka arrimiyaan ka mamnuucay calanka Soomaaliya oo maanta 66 sano jirsaday, walina waxaa jira deegaanno badan oo calanka uu mamnuuc ka yahay.

Dhinaca kale waxa jira deegaano badan oo ka mid ah waqooyiga soomaaliya gaar ahaan dhula la baxay Somalilnad in mamnuuc ka yahay In lagu dhex  arko Calan soomaaliyed .

Calanka soomaaliya ayaa ah Astaan Qaran oo Lagu Garto Ummadda Soomaaliyed in ay tahay Dal Madaxbanan oo ah wadan laga aqoonsanyahay Caaalamka