Maxa ka soo baxay kulankii wasiirka amniga & safiirka Turkiga?

25



Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Danjire Xasan Xundubey Jimcaale ayaa kulan la qaatay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mohamed Yilmez.

Labada mas’uul ayaa kulan ay ku yeesheen safaaradda Turkiga ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho kaga wada-hadlay iskaashi amniga iyo horumarintiisa iyo taageerada Turkigu uu ka geesto arrimaha ammaanka, waxaana kulan ku wehlinayay taliyaha booliska Gobolka Banaadir janaraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Safiir Mohamed Yilmez ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay booqashada wasiirka amniga, isagoo sheegay in Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer.

Sidoo kale Wasiirka wasaaradda amniga xukuumadda fedeeralka Soomaaliya Danjire Xasan Xundubey Jimcaale ayaa dhankiina sheegay in Turkigu kaalin muhiim ah kaga jiro dib u dhiska ciidamada iyo dowlad dhisida Soomaaliya,

Kulankaan ayaa waxaa lagu jeexjeexay kaalinta Turkiga iyo xilli adag ee dowlada iyo shacabka Turkigu garab istaag u muujiyay ummada Soomaaliyeed.