Maxa loo Xeray Maanta Wadooyinka Muqdisho qaar?

35

Waxaa xeran wadooyinka muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka sida wadaa Makka Al-mukarrama .
Ciidamada ilaaliyo Madaxtooyadda Soomaaliya ee Villa Somalia ayaa lagu arkayaa iyagoo gaadiidka ka celinaayo in ay maraan Wadooyinkaasi.


Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa saakay ahaa kuwa lugeynayay.

Wararka aan helayno ayaa sheegay in sababta loo xiray waddooyinka ay tahay in la furi doono Wasaaradda Waraabka oo horay dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyay.
Saraakiisha Ciidanka ma aysan shaacin sababta ay u xireen Waddada muhiimka u ah bulshada.
Inta badan wadooyinka Muqdisho ayaa la xera marka ay madaxda dowlada booqanayaan goob.

Intabadan Shacabka Muqdisho ayaa ah kuwo la qabsaday waddooyinka sida soo boodada ah loo xiro, waxaana mar waliba dhacda in si kadis ah loo xiro wadooyin muhiim u ahaa isku socodka dadweynaah.