Maxaa ka Jira in Al-Shabaab ay la wareegeen degaano ka tirsan gobolka Sanaag

69

Warar dheerad ah ayaa waxa laga helayaa in  maleeshiyaadka Al-Shabaab ay markii ugu horreeysay Awood maamul ku yeesheen degaano ka tirsan gobolka Sanaag, isla markaana Xubno ka tirsan ay degaannadaas la wareegeen.

Warar ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin internet-ka ayaa waxaa ay ku shaaciyeen inay la wareegeen deegaannada kala ah Mirici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet. Deegaanadaan ayaa ku yaalla duleedyada degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Maleeshiyaadka Alshabab  ayaa Magaalada laasoray ee gobolka Sanaag iyo tuulooyinka hoostaga waxaa dhowr jeer ku dagaalamay oo gacan ku heyntooda isku heystan Ciidamo ka kala tirsan Puntland & Soomaaliland balse ay haatan sheegteen inay la wareegeen Maleeshiyaadka Nabad diidka Al-Shabaab.

Dhinaca kale ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ka Soo baxay dhanka Dowlad Goboledka puntland oo ku aadan Sheegashada Alshabab ee ah in ay  qabsadeyn deegaano  ka tirsan Gobolka Sanaag .