Sunday, October 17, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Maxaa ka jira inuu is Casilayo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland?

Maxaa ka jira inuu is Casilayo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland?

28

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya inuu Maanta is Casilayo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, isla markaana Is Casilaasidiisa u gudbinayo Golaha.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay wararka baraha bulshada lagu faafiyay iyo kuwa dadka isla dhex marayeen ee sheegayay inuu xilka iska Casilayo, ayna been yihiin wararkaas.

Guddoomiyaha ayaa Golaha Guurtida Somaliland u sheegay in markii horeyba ay doorteen isaga, isla markaana aysan jirin sabab uu isku Casilo, isagoona Golaha ku wargeliyay inay shaqadooda si toos ah u wataan.

Sidoo kale Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa tilmaamtay in aysan waxba ka jirin wararka bulshada isla dhexmareyso oo ku aadan inuu xilka Guddoomiyenimo uu iska Casilo ama uu Warqadiisa is Casilaada uu gudbinayo Golaha Guurtida.

Waa markii saddexaad oo la faafiyay warar sheegayay inu xilka iska Casilo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, isla markaana uu isaga beeninayay wararkaas.