Maxaa ka soo baxay kulankii Afhayeenka Madasha xisbiyada Qaran iyo Fahad Yaasiin?

50

Afhayeenka madasha xisbiyada Qaran, horena u soo qabtey Safiirkii safaarada Soomaaliya ee Suudaan iyo Agaasime ku xigeenkii madaxtooyada Qaranka ayaa kulan gaar ah laqaatey taliyaha Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin.

Kulanka ayaa kadhacay xaruunta hay’ada NISA waxaana codsiga kulanka lahaa Liibaan Shoorle oo ah afhayeenka Madasha Xisbiyada Qaran sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Warar hoose ayaa sheegaya in afhayeenka Madasha codsadey in loo magacaabo Agaasimiha Madaxtooyada Soomaaliya oo la sheegey in uu ka tagey DR. Fuursade.

Liibaan Shoorle ayaa la sheegey i uu ballan qaadey In uu afhayeenka Madasha iska casili doono haddii loo ballan qaado xilkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu ku gacan-seeray dalabkaasi, sida ay sheegayaan ilo waredyada.

Afhayeenka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu soo warramayaa inuu markale dalbaday in uu lakulmo Fahad Yaasiin oo galaangal xoogan ku leh dowladda Soomaaliya.