Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray taliyaasha sirdoonka Somalia & talyaaniga

15

 

Taliyaha Ciidanka Sirdoonka dowladda Talyaaniga Gen. Giovanni Caravelli, ayaa Manata waxaa booqasho rasmi ah ku yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daajir ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Sirdoonka dowladda Talyaaniga iyo xubo saraakiil ah oo la socday

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta rasmi ah Twitter-ka NISA ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka dhexmaray Taliye Fahad Yaasiin iyo Gen. Giovanni Caravelli looga hadlay sare u qaadida iyo xoojinta xiriirka iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.