Maxaa ka soo baxay Kulankii Kheyre & Shariif ee Kenya ka dhacay?

66

Madaxweynihi hore ee DKMG Sheekh Shariif iyo raisul wasarihii hore DFS Xasan Cali Kheyre oo labadaba ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa galabta ku kulmay magaalada Nairobi, ee dalka Kenya.

labada mas’uul ayaa waxaa kulamadooda ku wehliyay Xildhibaano iyo rag aad ugu dhow oo siyaasad ahan taageersan.

Xasan & Shariif ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira xaalada siyaasadda, doorashada,dalka oo dhawaan dhaceyso.

Xasan Kheyre ayaa la sheegay inuu uga garaabay Shariifka wixii tabasho ah oo dhankiisa ah uu ka qabay ama dhacdooyinkii Shariifka uu la kulmay intuu xilka hayay, dhowr arrimood ayaa la isla soo qaaday oo ay ka mid tahay wada shaqeyn iyo in si dhow la isaga war-qabo.

kulanka labada dhinac ayaa la tilmaamay in lagu balamay kulamo kale iyo waqtiyada soo socda la bilaabo isbaheysi siyaasadeed oo lagu wajaho doorashada Madaxweynaha soo socoto.

Xiligaan ayaa waxaa muuqdo isbsheysiyo siyaasadeed oo abuurmaayo am sameysmaya