Maxaa ka soo baxay shirkii ka socday Villa Soomaaliya?

40

Waxaa macluumaad iyo xog hoose laga helayaa shir madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleeyada gobolka Banaadir uga socda gudaha magaalada Muqdisho.

Shirkan oo diirada lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in is faham looga gaaray dhismaha saddex guddi oo muhiim u ah doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan sanadka na-soo aaddan ee 2021-ka

Sidoo kale guddiyada oo isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka, sida ay tibaaxayaan wararka haatan soo baxaya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegaya in madaxdu ay isku fahmeen waqtiga ay doorashadu si toos ah u billaban doonto, taas oo la filayaa in la guda-galo dhamaadka bishan October illaa horaanta November.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid degan, waxaana socda qorshihii ugu dambeeyey ee loogu diyaar garoobayo doorashooyinka soo socda ee 2020/2021-ka.