Maxaa ka soo kordhay kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax?

106

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta la hor geeyey Eedeysaneyaal lagu tuhunsanaa in ay ka dhambeeyeen kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay AUN Xamdi Maxamed.

Dhageysi kadib Maxkamadda ayaa sii deysey 5 ka mid ah eedeysaneyaasha oo ay ku jireen 2 eedeysane oo u ekaa Eedeysane Maxamed Ibraahin oo laga soo qabtay Cadaado, nin uu u shaqeynayey iyo 2 nin oo shaqada geeyey.

7-da lagu hayo baarista waxaa ugu horeeya Eedeysanihii 1-aad oo qirtay inuu Marxuumada Hoteelka geeyey, Milkiilihii Hoteelka, Waardiyihii, Soo dhoweeyihii Hoteelka iyo 4 nin oo Hoteelka siyaabo kala duwan u deganaa.

Sidoo kale waxaa Maxkamadda joogey Xildhibaano, Ehelada Marxuumada iyo dadweyne kale, waxaana dacwada qaadayey Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Gar-Yaqaan CabdiQadar Maxamed Xasan.