Maxaa kasoo baxay kulankii James Swan iyo Madaxweeyne Qoor Qoor ?

70

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan iyo qaar ka mid ah madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay sida Hay’adda Cunada Aduunka ee WFP iyo Barnaamijka Horumarinta ee UNDP.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshayaasha horumarineed ee kasocda Galmudug sida horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, dhismaha iyo dhameystirka dowladaha hoose iyo arrimaha Bani’aadanimada.