Maxaa keenay in Dowlada Soomaaliya ay ceyriso Safiirka Kenya

41

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada Dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in Xukumada Federalka Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeeda Kenya mudane Tarsan, halka safiirka Kenya ee Soomaaliya lagu war galiyey inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Tallaabadan waxay dawladda Soomaaliya ku micnaysay faragalinta ay Kenya ku hayso deegaanada Jubbaland.

Waa markii labaad oo dowladda Soomaaliya ay cayriso Safiirka Kenya.

Madaxweynaha Jubbaland oo kasoo laabtay Kenya ayaa shalay sheegay in doorasho aysan ka dhici doonin dalka.

Dhinaca kale ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Kenya oo ay uga Jawaabay arrintani.