Maxaa ku dhacay Musharaxii La Tartamayey Madaxweyne Museveni

86

Bobi Wine oo ah musharraxa mucaaradka Uganda ayaa sheegay in noloshiisa ay halis ku jirto kaddib doorashadii Khamistii ka dhacday dalkaas oo uu ku guuleystay Yoweri Museveni.

“Waxaan u cabsi qabaa nolosheyda iyo tan xaaskeyga” ayuu yiri Bobi Wine. Wuxuu BBC-da u sheegay in uusan aqbali doonin natiijada kasoo baxday guddiga doorashada.

Wuxuu intaas ku daray in aanan loo ogoleyn in uu isaga baxo gurigiisa oo ay ku hareereysan yihiin ciidamada amniga.