Maxaa looga hadlaay kulanka maanta ee BF Soomaaliya?

64
GOLAHA SHACABKA

Xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku kulmaya xaruntooda ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa intii lagu guda jiray kulankii shalay lagu meel mariyey heshiiska doorashada waxa uu ku war-geliyay xildhibaanada in ay soo xaadiraan kulanka maanta.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah wadatashi ay yeeshaan xildhibaanada golaha shacabka, maadaama lagu jiro kulamadii u dambeeyay ee mudo xileedka golaha.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa mudo xileedkooda ugu dhiman bilo kooban, waxuuna horay guddoonka baarlamaanku u sheegay inay sii shaqeyn doonaan illaa inta laga soo xulayo baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Kulan wadajir ahaa oo ay shalay labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay yeesheen ayaa lagu meel mariyay heshiiskii ay dhawaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ka gaareen hanaan ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya.