Maxaa Looga Hadlay Kulan Dhexmaray RW Suudan Iyo Dhaxal-Sugaha Sacuudiga?

74

Ra’isul-wasaare  Abdalla Hamdouk ayaa waxa uu Fiidnimadii xalay booqasho 2 maalmood ah ku tegay dalka Sacuudiga, isagoo hoggaaminayey Wafdi Dowladeed oo heer sare ah.

Abdalla Hamdouk waxaa Garoonka Caalamiga ee King Khaled International Airport ee Magaaladda Riyadh ku soo dhaweeyey Amiir Faysal Bander Bin C/Casiis iyo Danjiraha Sudan u jooga dalka Sacuudiga, Ambassador Caadil Bashiir.

Ra’isul-wasaaraha dalka Sudan waxa uu booqasho 2 maalmood ah ku joogi doona Sacuudiga, isagoo xalay la kulmay Dhaxal-sugaha dalkaasi, Maxamed Bin Salmaan (MBS) oo isaga isku haya xilalka Ku-xigeenka RW iyo Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga.