Maxaa looga hadlay kulankii Axmed Madoobe iyo Muudey?

32

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa xalay ku booqday hoyga uu Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ka dagan yahay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho

Muudey iyo Axmed Madoobe ayaa wada-hadlay arrimaha doorashooyinka dalka oo doodeedu taagneyd waayahan dambe.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday, si loo dhameyn lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee la jira dalka, si xal mideysan looga gaaro doorashada 2020/21.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli uusan furmin shirka wada-hadallada dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland.