Maxaa looga Hadlay Kulankii ay wada qateen Wasiirka gaashandhiga XFD iyo Safiiradda Turkiga Iyo Qatar.

52

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Federalka Soomaaliaya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa  manata kulan la  qaatay  Safiirka dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaaz iyo sidoo kale Safiirka dowlada Qatar ee arrimaha Soomaaliya Hassan Hamza Asad

Kulanka  ay wadayeesheen Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Federalka Soomaaliaya Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo safiiradda Dowladaha Qatar iyo Turkiga  ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga sadexda dowladeed ka dhexeeya .

Kulankaan ayaa waxa si gaar ah looga hadlay sida labaddaan dowladood ay u tagareean Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyed iyo howlgalada ka dhanka ah la dagaalka ururka Alshabab

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa si gaar ah uga mahadceliyay taageerada hagar la’aaneyd oo ay marwalab  ay la garab taaganyihiin Ummadda Soomaaliyed

Kulanka ayaa waxaa uu ku soo idlaaday jawi Isfahan iyo wada shaqeyn ah

Dowladaha Qatar iyo Turkiga ayaa waxa ay tageeraan dowlada Soomaaliya .