Maxaa looga hadlayaa shirka ay yeelanayaan R/Wasaare Rooble iyo Mucaaradka?.

31

R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Galabta lagu wadaa in ay shir ku yeeshaan hotel Decale ee oo u dhow garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaa uuna shirkaan qeyb ka yahay kulamadii lagu balamay ee sidii wadista wadahadalada arimaha doorashada.

Kulanka maanta ayaa la filayaa in lagu shaaciyo maalinta uu dhacayo banaanbaxa mucaaradku ay ku dalbanayaan in la qabto doorasho xor ah, sidoo kale waxaa lagu shaacin doono guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeyo qabsoomida banaanbaxa, iyo dardargelinta howlaha doorashada.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo bartiisa Twitter-ka qoraal kooban Soo dhigay ayaa waxaa uu sheegay in R/Wasaare Rooble uu galabta kulan la qaadan doono midowga musharixiinta mucaaradka ah, kaasi oo looga hadlayo arimaha doorashooyinka.

“Si loo sii dhameystiro heshiiskii 25kii Febraayo, Ra’isul Wasaare Mohamed Huseen Roble ayaa galabta kula kulmaya Hotel Decale Midowga Musharraxiinta. Xukuumaddu waxaa  ay dadaal dheeri ah ku bixinaysaa sidii ay ula fariisan laheyd cid walba oo ka aragti duwan si dalka uu doorasho u galo” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya.