Maxad Ka Taqaanaa Magaalo Xuduudka Deg.Moyaale  Ee Gobolka Daawa Iyo Waxyaabaha Ay Caanka Ku Tahay Ee U Gaarka Ah.

112

Magaalada Moyaale Masaafo  Ahaan Caasimadda DDS Ee  Magaalada Jigjiga waxay U Jirtaa In Kabadan 1600 KM

Halka Caasimadda Dalka Itoobiya Ee Magaalada Addis Ababa Ay U Jirto 750km

Moyaale Waa  magaalo xuduudeed u dhaxaysa Kenya iyo Ethiopia, waxayna dhacda Konfurta DDS Waana Magaalo ganacsi,marin Muhiima u ah ilaha ganacsi ee dalka Iyo deeganka somalida.

Waana dhul macdanta qayrin ceegaagto Waxay caan ku tahay dahabka iyo ganacsiga oo ah kan ugu muhiimsan ee ka Jira

Magaalada Moyaale.

Hadaba Magaalada Moyaale waa magaalo lawada dago Soomali iyo Oromo, waxa Kale oo aan ka marnayn inay jiraan dadyaw kale oo ganacsi ahaan ujooga islamarkasina Ka yimaday magaloyinka kale ee dalka Itoobiya kana shaqaysta magaaladani.

Maamul ahaana labada deegaan qoloba qayb bay ka arimisa,waxana kala qaybisa laamiga mara bartamaha magaalada

 

Mooyaale waa magaalo istiraatiiji oo ganacsi oo muhiim u ah geeska africa iyada oo dadka degana soo dhawayn mug leh u hayaan Isdhexgalka bulshadda. Labada Degaan Ee Soomaalida iyo Oromada wana magaalo xasiloon ilaa iyo intii uu isbadalku ka dhacay guud ahaan dalka iyo deegaankaba taasi oo ay wakhti xaadirkan ka socdaan dhismayaal kala duwan oo marba marka ka dambaysa isaso taraya islamarkaana door muhiima ka qadanaya koritaanka magaalanimo ee Moyaale.