Maxamed Cumar Carte oo ka tanaasulay aragtida Midnimada Umadda Soomaaliyeed

87

Warar Hoose ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Barlamanka Federalka Soomaaliya uu iska casilay xubinimadaas sida ay xaqiijiyeen illo xog ogaal ah, oo ku dhaw Mudane carte.

Sidoo kale Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa waxa uu cafis ka dalbaday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi si uu Hargeysa u tago maadama oo Aabihiisa Cumar Carte oo hore Ra’iisalwasaare uga soo noqday Soomaaliyed ku xanuunsanayo Magaalada Hargeysa.

Masuulkan ayaa la sheegay in uu ka tanaasulay aragtida midnimada Umadda Soomaaliya dibna ugu laabtay Somaliland.

Ilaa iyo hadda si toos Ugama Hadlin masuulkaan hadalkaan isa soo taraya ee ku adan in uu ka tanasulay xilkii xildhibaanimo ee uu ka hayay Barlamanka Soomaaliya.