Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe & Donald Yamamoto?

24

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynahaa Jubaland ayaa kulan la qaatay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya danjire Donald Yamamoto.

Kulankan oo Madaxweynaha uu ku wehelinayay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumad Maxamuud ayaa diirada lagu saaray Arimaha Doorashooyinka 2020/2021 iyadoo la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii Doorasho heshiis lagu yahay ay uga dhici lahayd dalka.

Gudoomiyaha gobolka Gedo iyo sidoo kale Madaxwweynaha Jubbaland aya sidoo kale la wadaagay Xaaladdaha dowladda dhexe ka abuurtay gobolka Gedo sidda ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Madaxweynaha ayaa Dowlada Maraykanka uga mahad celiyay Tageerada ay Ciidamada Jubaland ka siiso dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.