Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe iyo Ra’iisul wasaaraha cusub?

57

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Axmed Madoobe iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dalku uga gudbi lahaa waqtiga kala guurka doorashaduna ku qabsoonto sidii loo qorsheeyey.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo qaaday arrimo ku aadan xaaladda Jubbaland iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen labada dhinac.

Rooble oo shalay codka kalsoonida ka helay golaha shacabka ayaa wada kulamo gaar-gaar ah, isaga oo saaka qaabilay hoggaamiya xisbigada Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.