Saturday, July 24, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Maxay Ka Wada-Hadleen Axmed Madoone & Danjire Tillander?

Maxay Ka Wada-Hadleen Axmed Madoone & Danjire Tillander?

31

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa manta hoygiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander.

Labada mas’uul ayaa kulankooda kaga hadlay xaaladda uu dalku maray, gaar ahaan doorashada caqabadaha hortaagan iyo shirweynaha arimaha doorashooyinka.

Sweden ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay qeyb ka tahay dadaallada socda ee ku aadan xal u helida doorashooyinka.