Maxay ka wada-hadleen Fahad Yaasiin iyo Xasan Sheekh?

54

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan dhexmaray Taliyaha hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo saacado badan qaatay, islamarkaana uu albaabada u xirnaa ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii ay wada-shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen dowladda federaalka iyo xisbiyada mucaaradka ee ka jira dalka.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku aadan magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub iyo sida loo wajahayo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Fahad Yaasiin oo ah nin galan-gal xoogan ku leh dowladda, islamarkaana saaxiib la’ah Madaxweynaha Soomaaliya uu maanta la kulmi doono Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulamadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dalka uu ku jiro xilli kala guur ah iyo marxalad doorasho, kadib markii shirkii Dhuusamareeb 3 lagu shaaciyey nooca doorasho ee la qabanayo.