Maxay ka wada-hadleen MW Farmaajo iyo Axmed Madoobe?

39

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo xalay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ay ku qaateen xarunta Villa Soomaaliya

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo qaatay saacado dhowr ah ayaa looga hadlay Arrimo kala duwan xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrinta Gobolka Gedo iyo shirka u furmaya Farmaajo, Puntland iyo Jubbaland.

Sidoo kale Ilo-wareedyo ku dhow shirkaasi ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay Arrinta Gobolka Gedo ka gaareen is faham hordhac ah, iyagoo u saaray Guddi min hal xubnood oo ka shaqeynaya qaabka Farsamo ee xal looga gaari lahaa arrinta Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shuruud ku xiray kulanka isaga, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Farmaajo dhexmari lahaa, isago dalbaday in Dowladda Federaalka Ciidamada ay geysay Gedo ka soo saarto, isla markaana  Jubbaland dib gacantooda loogu soo celiyo Maamulidda Gobolka Gedo.

Maalmo kahor ayaa waxaa lagu waday in Magaalada Muqdisho uu kulan saddex geesood ah ku dhexmaro Madaxweyneyaasha Jubbaland, Puntland iyo Farmaajo, hayeeshee waa uu baaqday, iyadoona Axmed Madoobe iyo Deni shuruud ku xireen ka qeyb galka shirkaas.