Maxay Ka Wada-Hadleen Qoor Qoor & Safiirka Jabuuti?

45

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan la qaatay magaalada Muqdisho safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya Dr Aadan Xasan Aadan.

Qoor Qoor iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo xiriirka dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Galmudug.  sidoo kale waxa ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka iyo dadaallada loogu jiro dhameystirka arimaha doorashooyinka.