Maxay ka wada-hadleen Qoor Qoor & xisbiyada mucaaradka dalka?

46

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta tagay Hoyga Muqdisho uu ka degen yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona la kulmay Siyaasadiyiinta mucaaradka ah.

Madaxdaan la kulantay Qoor-Qoor ayaa xaadir kusii ahayd Hoyga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana is xog-warreysi kadib dhexmaray kulan diiradda ay ku saareen xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale waxa ay isla garteen dhameystirka heshiiska hannaanka doorashada dalka 20/21 oo qayb ka ah 17-kii qodob ee ku jiray heshiiskii Dhuusamareeb (3) oo uu martigeliye u ahaa Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor.

Mas’uuliyiinta ka qaybgashay kulanka oo uu ugu darajo sareeyay Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kale oo kamid ah: Shariif Xasan Sheekh Aadan labo jeer soo noqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isla markaana ah madaxweynihii ugu horeeyay ee Dowlad Goboleedka KGS.

Dhanka siyaasiyiinta waxaa kamid ah: Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo mar soo noqday Wasiirkii Qorsheynta Xukuumadda KMG 2009-Kii, Cabdulqaadir Cali Cumar oo Mar qabtay Xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubin katirsan Baarlamaankii KMG ah.

Sidoo kale, fadhiga waxaa joogay Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe Taliyihii hore ee NISA, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo Dowladdii Xasan Sheekh ka noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo shaqsiyaad kale.

Kulankaan ayaa qayb ka ah wadatashiyo furan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay la qaadanayaan xubnaha bannaan joogga ka ah wada hadalka berri lagu ballansan yahay in uu ka dhaco madaxtooyada Soomaaliya ee u dhaxeeya Madaxda DFS, DG & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.