Maxay ka wada hadleen Sheekh Shariif sheq axmed cali guudlawe iyo qoor qoor

10

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Shariifka ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya iyo sida loo xalin karo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada oo aan weli wax heshiis rasmi ah laga gaarin.

Inta uu socday kulanka looga arrinsaday sida Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ay qeyb uga noqon lahaayeen dadaalka lagu doonayo in dalka ay uga dhacdo doorasho heshiis lagu wada yahay oo si xor ah u dhacda.

Kulanka dhexmaray Sheekh Shariif iyo labada Madaxweyne maamul ayaa waxaa mar dambe ku biiray galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, RW hore Kheyre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Shalayn ayey aheyd markii Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ay ka qeyb galeen shir u furmay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka, iyagoona u gudbiyay tabashooyinka ay ka qabaan doorashada iyo sida lagu xalin karo khilaafka taagan.