Maxay Ka Wada Hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Ilhaan Cumar?

31

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya, mudane Maxamed C/risaaq Maxamuud, ayaa aaladda fogaan arragga kaga qeybgalay kulan ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen, machadda Nabadda Mareykanka iyo safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Wasiirka oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter ayaa sheegay in ka qeybgaliyaasha kulanka uu siiyay warbixin ku aadan dib u habeynta agendiyaasha qaran iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka.