Tuesday, December 7, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Maxay ka wada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS iyo Safiirka Ingiriiska?

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS iyo Safiirka Ingiriiska?

37

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Kate Foster, isagoo kala hadlay xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee labada dal u dhexeeya iyo habka iskaashiga labo geesoodka iyo siyaabaha looga horumarin karo dhinacyo kala duwan.

Intii kulanka lagu gudo jiray ayaa waxaa lagu falanqeeyay dhowr arrimood oo siyaasadda iyo amni la xiriiray, sidoo kale waxaa la looga wada hadlay xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ee labada dhinac wada danaynayeen.