Maxay kawada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Difaaca ingiriiska ?

56

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Difaaca Boqortooyada Ingiriiska udane Ben Wallace oo uu wehelinayay Safiirka Ingriiska ee Soomaaliya Ben Fender.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Wasiirka qorsheyaasha hirgalay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xaqiijisay hannaanka dib u dhiska Ciidamada, amniga, dib u heshiisiinta iyo la dagaallanka Al-Shabaab.