Maxay kawada hadleen Dowladda Soomaaliya Iyo Taliska Ciidamada AFRICOM?

46

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africa AFRICOM Gen. Stephen Townsend.

Kulanka u dhexeeyay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda, Taliye Odawaa iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Ciidanka dowladda iyo xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dhinac.