Maxay kawada hadleen Midowga Musharixiinta?

35

Kulan ku qabsoomay muuqaalka fogaan aragga ayay yeesheen Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya si ay uga xaajoodaan xaaladda cusub ee soo korortay Sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo xog ogaal.

Waxa ay iska xog warreysteen dibadbaxa ay qorsheeyeen ee baaqday kadib markii Dowladda Federaalka hor istaagtay, rasaasta Ciidamada Ammaanka y ku rideen isu soo bax ay hoggaaminayeen murashixiinta qaar, iska hor imaadka ka dhacay hoteel ay degenaayaan Shariif Sheekh Axmed hoggaamiyaha Musharixiinta & Xasan Sheekh Maxamuud & Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xubno ka ah Midowgaas.

Ilo xog ogaal ah ayaa Mustaqbal u sheegay in Midowga Musharixiinta ay sii wadayaan kulamadooda ilaa inta laga saldhigayo Doorashooyinka Dalka oo dedaallo xooggan gelineysa Beesha Caalamka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha Musharixiinta Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka Culeys ku saartay sidii ay u hor istaagi lahayd dibadbax ay qorsheeyeen in uu dhaco 19-kii Febaraayo 2021.

Midowga Musharixiinta ayaa ku adkeystay in ay sii wadayaan isu soo baxooda oo ah mid nabadeed oo Dastuuri ah, isla markaana ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin qabsoomid la’aanta Doorashooyinka Soomaaliya.