Maxay tahay sababta uu Waare uga horyimid jadwalka doorashada HirShabelle?

27

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ka horyimid jadwalka doorashada ee ay maanta soo saareen guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulkaasi.

Waare ayaa sheegay in soo saarista jadwalkaas lagu deg-degay, islamarkaana aan lagala tashan.