Maxkamad la soo taagay rag loo haysto kiiska Hodan Shanlayste.

29

Waxaa maanta maxkamada darajada kowaad ee Gobolka Nugaal ufariisatay dhegaysiga kiis kufsi iyo dil ah oo sanadkii hore Garowe loogu geystay allaha u naxariistee marxuumaad Hodon Shanlayste.

Maxkamada ayaa la horkeenay 7 nin oo kiiskaan u xiran, kuwaas ciidamda ammaanku gacanta kusoo dhigeen, lamase hubo inay yihiin raggii falkaan ka dambeeyay iyo in kale.
Marxuumada ayaa sanadkii hore bilowgiisii iyadoo xilli duhur ah oo ay gurigeeda ku sugan tahay, waxaa usoo dhacay dhowr nin oo kufsi wadareed ugeystay kadibna ku dilay bac ay madaxa u galiyeen.

Dhegaysiga kiiskaan ayaa marar badan dib u dhacay sababo la xiriira caddeymaha kiiskaan oo qabyo ahaa iyo cudurka corona virus oo saameyn ku yeeshay shaqooyinka maxkamada qaban jireen.

Kiiskaan waa kiiskii labaad oo kufsi oo ugu xumaa oo Puntland gudaheed ka dhacay, kiiskii ka horeeyay wuxuu ahaa midkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan oo raggii dilay lagu fuliyay xukun dil ah.